Xoojinta Haweenka Soomaaliyeed

Soomaaliya kuma guuleysan karto in ay noqoto dal barwaaqo, nabad iyo cadaalad ah haddaanay haweenka qeybtooda helin. Dumarku waxay ahaayeen xoogga iyo laf-dhabarta adkaysiga Soomaaliyeed. Madaxweyne ahaan, waxan si cad ugu dagaalami doonaa sidii uu u abuurmi lahaa jawi u sahlaya haweenku in ay noqdaan wakiil firfircoon oo isbedel ku sameeya siyaasadda iyo heer kasta oo bulshadeena ah. Maamulkeenu wuxuu dajin doonaa qorshayaal iyo barnaamijyo ku wajahan horumarinta haweenka iyo dhalinyarada ee qaybaha kala duwan ee bulshadeena. Waxaan hubin doonnaa in aan horumarino siyaasadaha iyo sharciyada lagama maarmaanka u ah taas oo suurtagelin karta in taasi ay ku jirto qaab dhismeedka hay’addeenna siyaasadeed iyo in aan hubinno dhameystirka soo socda ee dastuurkeenna in lagu xisaabtamo lana dammaanad qaado xuquuqda haweenka Soomaaliyeed, bulshooyinka la haybsooco iyo dhalinyarada. Maamulkaygu waxa uu isku dayi doonaa in uu dejiyo shuruuc dammaanad qaadaya ka qayb galka bulshada ee dejinta siyaasadda heer gobol iyo heer qaran.