Siyaasadda Arrimo Dibed oo Cusub: Jid wanaagsan oo lagu dhiso isbahaysi

Waxaa la iswaafajin doonaa ergooyinkeena iyo safaaradaheena si ay uga shaqeeyaan danteena dhaqaale ee caalamiga ah. Ergooyinkeena diblomaasiyadeed waxay mudnaan siin doonaan ganacsigeena iyo iswaafajinta dhigooda si ay u abuuranto iskaashi istaraatiiji ah oo lagu hormarinayo ganacsigeena iyo sumcada Soomaaliya oo leh fursad soo jiidasho Maalgashi Shisheeye.
Ururada caalamiga ahi waxay leeyihiin fursado waxqabad isku dubaridan oo madal caalami ah. Soomaaliya waxay ka qeybqaadan doontaa inay kaalin muhiim ah ka ciyaarto in si siman loo dejiyo xeerarka amniga caalamiga ah iyo nidaamka dhaqaale ee caalamiga ah oo faa'iido u leh dhammaan. Waxaan ilaalin doonnaa madax-bannaanidayada, haddana waxaan la macaamili doonnaa quruumaha iyo shuraakada awoodda leh annaga oo aan dib u dhigin. Waa in aan sii qoto dheeraynnaa wada-shaqeyntayada dhinacyo badan leh.
International organizations provide opportunity for coordinated action on international platforms. Somalia will seek to play an important role on equal footing to the setting of the rules of international security and global economic order that benefits all. We will maintain our sovereign independence and yet engage the powerful nations and partners without deferring to them. We shall further deepen our multilateralism.

Soomaliya iyo IGAD : Soomaaliya waxay ka shaqayn doontaa horumarinta iskaashiga iyo isdhexgalka gobolka. Dawladdeenu waxay si joogta ah u sii wadi doontaa doorka horumarinta nabadda iyo xasilloonida si loo xaqiijiyo horumarka dhaqaale iyo bulsho ee dalalka xubnaha ka ah IGAD. Waxaan sii wadi doonaa horumarinta wadahadalka iyo wadaxaajoodka si loo xalliyo khilaafaadka, iyo sidoo kale ka shaqeynta xaqiijinta faa'iidooyinka suuqa balaadhin ee ganacsiga gobollada iyo iskaashiga dhaqaalaha..

Soomaliya iyo Midowga Africa :Waxaan ka shaqayn doonaa sidii aanu Midowga Afrika uga dhigi lahayn inuu u shaqeeyo si hufan, hadaf leh oo adag horumarka guud ee Afrika iyo dhammaan dadkeeda. Waxaan taageeri doonaa rabitaanka dhabta ah ee dhammaan Afrikaanka ah ee ku aaddan xaqiijinta ujeedooyinka Horumarinta Afrika gaar ahaan xaqiijinta Bulshada Dhaqaalaha Afrika
Heer qaran, waxaan la shaqayn doonnaa Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Africa si loo xaqiijiyo in ka wareejinta mas’uuliyadda amniga ee Ciidanka KMG ee Midowga Africa uu ugu wareejinayo mas’uuliyadda ciidamada Soomaaliya ay si guul leh u qabsoonto.

Soomaliya iyo Qaramada Midoobay : Kama gaabinayno taageeradeena Qaramada Midoobay iyo hay’adaheeda muhiimka ah ee WTO, Bangiga Adduunka iyo IMF. Waxaanu u heellannahay dimuquraadiyaynta qaabdhismeedka Qaramada Midoobay si wax looga qabto arrimaha qalloocu ku jiro ee adduunka, Waxaan aad ugu dadaali doonnaa inaan abuurno jawi fikrado cusub oo hor-u-marinaya bini'aadamka iyo xaqiijinta aduun xor ka ah colaado.
Heer qaran waxaanu si mug leh ula shaqayn doonnaa UNSOM si loo sii xaqiijiyo in taageerada beesha caalamku la jaanqaado arrimaha mudnaanta qarankeena sida ku qeexan Qorshaha Horumarinta Qaranka Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta Soomaaliya waxay marwalba u aqoonsanayd Jaamacadda Carabta inay tahay midda taageerada ugu muhiimsan siisa xasiloonida iyo horumarka dunida Carabta. Waxay marwalba saaxiib aan liicin u ahayd kuwa tabartayar ee dalalka Carabta, waxayna hoggaamiye u ahayd xallinta khilaafaadka dunida Carabta dhexdeeda.
Gaar ahaan khilaafka Falastiin iyo Israa’iil, Ciraaq, Suudaan iyo Yemen laakiin sidoo kalena taageertay Soomaaliya xilligii ay mugdiga ku jirtay. Sidaas darted, Soomaaliya waxay la shaqayn doontaa, taageerina doontaa dadaalada loogu jiro in lagu qeexo Aragti Carbeed oo ku aadan ujeedooyinka gobolkeena, dhiirigelinta midnimada dalalka Carabta, meel uga soo wada jeedsashada amuuraha dunida ee taagan iyo in la qaato siyaasad ah in aanan dalna dalkale siyaasadiisa arrimaha gudaha fara-gelin ku samayn.