Ka-Hortagga Xagjirnimada Dilaaga ah
Wax ka qabashada sababaha keena xagjirnimada waa inay qayb ka ka-hortagida xagjirnimada dilka wadata, si loo dhiso isku-duubni siyaasadeed iyo mid bulsho oo heer bulsho ah. Toban sano oo colaad ah ka dib qarankeenu waa inuu ka fikiraa sidii uu wax uga qaban lahaa kacdoonka socda.
Hadafka- Dhameystirka wareejinta mas’uuliyada amniga ee AMISOM ee lagu wareejinayo ciidamo Soomaaliyeed oo si wanaagsan u tababaran una qalabeysan.
- Dhisida guddiyo dib-u-heshiisiineed ee dhamaan Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka si ay wax uga qabtaan colaadaha bulshada ee sii huriyay xagjirnimada gacan ka hadalka ah.
- Bilowga wadahadallo lala yeesho fallaagada marka ay go'aansadaan inay joojiyaan weerarrada ka dhanka ah dadka rayidka ah.











