Maxaan ugu Tartamayaa Madaxweyne


Inaan kalsooni ku qabo dadka Soomaaliyeed!
Inaan nahay ummad uu Ilaahay ku manaystay khayraad badan oo dabiici ah iyo hal abuur baaxad leh iyo adkaysi iyo karti uu shacabkeenu kaga soo kabtay burbur iyo qalalaase siyaasadeed oo aan maskaxi cabirikarin.
Waxaan mudo dheer ka soo shaqeeyay adkeynta dowladnimadeena iyo dimoqraadiyadda.
Waxaan aaminsanahay in dimuqraadiyadu tahay aasaaska bulsho sharciga u hoggaansan taas oo daah furidoonta kartideedoo buuxda iyo hal-abuurka dadka Soomaaliyeed gaar ahaan uu caanka ku yahay.
Si taas loo gaarana, waa in isbedel lagu sameeyo xiriirka u dhexeeya dowladda iyo dadka, si ay u soo baxdo kartida dhabta ah ee qarankeena oo ah inay soo baxaan hoggaamiyeyaal u adeega dadkooda halkii iyaga loo adeegi lahaa.
Rabitaankaygu waa u adeegida bulshada halkii loo adeegi lahaa wax kale, waa tijaabada dhabta ah ee hogaaminta loogana gudbi karo musuqmaasuqa iyo wax qabad la'aanta.
Innagoo isku kalsoon, midkeenba kan kale ku kalsoonyahay, waxaan dib usoo celin karnaa midnimadii Soomaaliyeed, midnimadaasi waxay dhisaysaa amniga iyo karaamada dadkeena waxay ina geeyn kartaa horumar aynaan hadda gaari Karin.

Sidaa darteed, ayaan ugu tartamayaa Madaxweynaha

Musharaxa

Mudane Mohamed Abdirizak waxuu labaatankii sano ee la soo dhaafay ahaa nin u ololeeya midnimada iyo xasiloonida Soomaaliya; haddii ay tahay gudaha iyo dibaddaba. Mudanuhu markuu ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuu dowr lixaad leh ka ciyaaray caddeeynta siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen heshiisyadii ku saabsanaa qorshaha kala guurka ee Soomaaliya, taasoo dhabaha u xaari lahayd in Soomaaliya ay si buuxda u maamusho amnigeeda, una sahli lahay inay soo afjarto howlgalkii Atlanta, si ay u qeexdo in laga baxay xilligii burcad-badeedda ee xeebaha Soomaaliya, sidookale in Soomaaliya ay hesho fursda ay ku horumariso awooddeeda badeed iyo ilaashiga dhaqaalaha buluugga ah.

Siyaasadda Xidigta Cad: Qorshe is Bedel oo shan geesood ah

cover somali