Dimuqraadiyadda iyo Amniga Aadanaha
Qoto-dheereynta dimuqraadiyadda
In dimuqraadiyadu si qotodheer uga hanaqaado Soomaaliya waxay u baahan doontaa in sharcigu hirgalo taasna waxaa lagu gaari karaa oo kaliya in la dhameystiro dastuurkeena ku meel gaarka ah oo aan aasaasno garabkii saddexaad ee dowladeena oo ah garsoor madaxbannaan oo awood u leh inuu la xisaabtamo oo hubiyo in dawladda iyo shacabkuba ay u hoggaansamaan sharciga.
Hadafka
- Dhameystirka Dastuurka KMG ah.
- Aasaaska Guddiga Garsoorka ee heer qaran.
- Dhisida Maxkamadda Dastuuriga ah.
- Qabashada doorasho qof iyo cod ah sannadka 2026.
Sugida Amniga Aadanaha
Halkii aan sii wadi lahayn in siyaasadeena amnigu ahaato mid ciidan oo keliya, waxaannu aaminsannahay in Soomaaliya ay u baahan tahay in aynu bedelno sida looga hadlo adeega amniga. Waxaannu soo jeedinaynaa in siyaasadeenu ku wajahnaato xuquuqda iyo bulsho sharcigu saldhig u yahay oo uu shakhsigu leeyahay xuquuqdiisa aasaasiga iyo mas'uuliyadihiisba ka muwaadin Soomaaliyeed ahaan.
Hadafka
- In la sameeyo wada-tashi heer qaran ah oo ay yeeshaan dawladda iyo dadweynaha si looga wada hadlo arrimaha muhiimka ah ee dastuuriga ah ee u baahan in wax laga qabto si loo xaqiijiyo aasaaska heshiis bulsho oo cusub oo dhex mara dawladda iyo shacabka.
- In la sameeyo guddi heer qaran ah oo la shaqeeya bulshada kana howlgala dalka oo dhan si loo dejiyo hannaan wax looga qabanayo khatartaha soo food saara bulshadeena sida rabshadaha, faqriga, gaajada, cudurrada faafa iyo dhaqaalaha. Waxaan u aragnaa in amnigu yahay wax ka qabashada khatarhaas oo dhan.















