Ujeedada ololahayga iyo kaalintaydii dawladnimaduba waxay had iyo jeer ahayd daahfurnaan, run-sheegid,
iyo ku go’aan qaadasho wixii danta Soomaaliya ku jirto.
In kasta oo ay adag tahay in la aqbalo, haddana waxaa ii cad hadda in ololahani aanu haysan wixii
suurtogelin lahaa inuu guuleysto. Uma tartami kari lahayn jagada ugu sareysa dalka, oo ah jago matalaysa
rajada iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, haddii aysan daacadnimo iyo run-sheegid igu jirin. In aan
aqbalo lacag olole oo ka hor imaanaysa danta mustaqbalka fog ee ummadda Soomaaliyeed waxay khiyaamo
ku tahay wax walba oo igu qaali ah, balse taasna, waxaaba ka sii muhiimsan, hooyooyinka, aabbayaasha, iyo
yididiilada dhallinyarada Soomaaliyeed ee aan danahooda waxbadan ka hadlay intii aan ololahan ku jiray. In
aan u qiro in aanan lacag ku bedelan karin mustaqbalkooda waana midda ay danta ugu jirto shacabka
Soomaaliyeed, kuwii dadaalka ololaha igu soo garabgalay, waana maslaxadda dalka.
Waxaan ugu tartamayay jagada Madaxweynaha anigoo rumaysan in aan gacan ka geysan karo in aan
horumariyo dood siyaasadeed oo bisil oo suurtagelisa in la isku keeno dalkeenna kala qaybsan oo aan
abuurno waddo aan uga faa'iideysan karno qadiyadeena guud si aan uga hortagno caqabadaha ugu weyn ee
naga soo horjeeda sida, saboolnimada, baqdinta iyo baahida loo qabo adeeg dowladeed. Waxaan ogaa in tan
ugu culusi tahay baqdinta iyo kalsooni xumida midba midkeen kale ka qabo; baqdinta dhabta ah ee keentay
in qaar naga mid ah ay bilaabeen in ay shaki geliyaan muhiimada ay dowlad wanaagu u leedahay hagaajinta
nolosha dadka Soomaaliyeed; Baqdinta aynu mararka qaarkood ka qabno in waxa saxda ah la sameeyo, gaar
ahaan marka ay ka hor imanayso siyaasad ahaan tan inoo sahlan, iyo weliba iyadoo ay siyaasad raqiis ahi
socoto, oo isbedelka aynu raadinayno laga dhigay mid shakhsi la bedelayo meeshii isbedelku ahaan lahaa
jihada dalka oo aynu u jihayn lahayn sida dan u ah dadkeenna.
Waxaan ahay qof waaqici ah; waxaanan ogahay in aan cabsidaas ka xoroobi karno oo aan noqon karno kuwo
lagu qeexo hammigooda iyo kartidooda, balse taasi waxa ay xaqiiqoobi doontaa oo keliya marka qaranka
Soomaaliyeed uu ka xoroobo dabinka siyaasiyiinta oo ah marka shacabka loo suurtageliyo in ay codkooda
dhiibtaan oo ay madaxdooda si toos ah u doorankaraan.
Marka wax walba laga soo gudbo! Doorashada madaxweynaha ee maanta taagan wey igala weyn tahay mid
shakhsi ama xukuumad afti loogu qaadayo. Doorashadani waxay ka tarjumaysaa in doorashada soo socota ay
noqonayso mid qof iyo cod ah iyo in kale, in dimuqraadiyada, nidaamkeena dawladnimo, wadajirkeena iyo
midnimada dhulkeena in la xoojin doono iyo in lagu riixi doono dawladda dhalan doonta. Doorashadani
waxay kaloo ku saabsan tahay in argagixisada gumaadda dadkeena laga adkaan doono iyo in kale iyo in
dhaqaalaha dalkeennu uu u fur furmo doono si daacad ah oo daah-furan, shacabkuna kalsooni ku qabi
doonaan dawladdooda iyo inkale.
Xaqiiqdu waxay tahay, marka la eego sida ay siyaasiyiinta badankooda u hadalayaan iyo barnaamijyada ay
soo bandhigeen musharaxiinta oo ah kuwo aanan inta badan ku qotomin barnaamij siyaasad oo maangal ah,
waxaa muuqata in ahdaafta kor kuxusan la isweydiinkaro inay suurtogalayaan iyo inkale.
Sababtaas awgeed, marna kama aanaan cabsi qabin sida ololaheenu u socday oo ahayd inaan si toos ah
shacabka Soomaaliyeed ugala hadalno siyaasadaha muhiimka ah ee wax ka tari kara in wax laga beddelo
hiigsiga dalka iyo in xitaa taasi ay caawiso in musharixiinta kale iyaguna u arkaan doorashada mid ka
mugweyn soo jiidashada xildhibaannada oo keliya balse ay ka hadlaan danaha dadka soo doortay
xildhibaanada oo ay matalaan.
Si kastaba ha ahaatee, marka ay doorashadani dhammaato, welwelka iyo lexojeclada aan u qabo Soomaaliya
iyo wax ka qabashadeedaba way igu sii jiri doontaa. waxaan aaminsanahay in mabaadi’da dimoqraadiyadda,
walaaltinimada, iyo midnimada uu dalkan ku aasaasmay ay yihiin tilmaamaha kaliya ee la hubo in lagu
xaqiijin karo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed oo ah Soomaaliya oo midaysan, nabad ah, oo barwaaqo ah.
Sidaas daraadeed waa mas’uuliyad ina wada saran, shicib iyo hoggaanba sidii aynu uga mira dhalin lahayn oo
aan u fullin lahayn mabaadii’daas. Aniguna shakhsi ahaan waxaan diyaar u ahay in aan sii wado halgankan
heer walba ee dowladnimadeena.
Soomaaliya ha noolaato.