Mohamed Abdirizak
Nolosha Adeegaha
Mudane Mohamed Abdirizak waxuu labaatankii sano ee la soo dhaafay ahaa nin u ololeeya midnimada iyo xasiloonida Soomaaliya; haddii ay tahay gudaha iyo dibaddaba. Mudanuhu markuu ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuu dowr lixaad leh ka ciyaaray caddeeynta siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen heshiisyadii ku saabsanaa qorshaha kala guurka ee Soomaaliya, taasoo dhabaha u xaari lahayd in Soomaaliya ay si buuxda u maamusho amnigeeda, una sahli lahay inay soo afjarto howlgalkii Atlanta, si ay u qeexdo in laga baxay xilligii burcad-badeedda ee xeebaha Soomaaliya, sidookale in Soomaaliya ay hesho fursda ay ku horumariso awooddeeda badeed iyo ilaashiga dhaqaalaha buluugga ah.

Ka hor intuusan qaban jagada Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane Mohamed Abdirizak waxuu ahaa Agaasimaha Maamulka Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Siyaasadda Soomaaliya, oo ahaa hindise loogu talagalay in lagu fidiyo gogol ay ku wada xiriiraan madaxda Soomaaliyeed iyo shacabka si ay gacan uga geystaan qaabeynta fursadaha wax looga qabanayo su’aalaha dastuuriga ah ee weli taagan si loo dhameystiro nidaamka federaalka ee Soomaaliya. Taas ka hor, Mudane Mohamed Abdirizak ayaa la-taliye sare u soo noqday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dhanka Dimuqraadiyeynta iyo Doorashooyinka, isagoo mas’uul ka ahaa dhameystirka wada-xaajoodyadii siyaasadeed ee u dhaxeeyay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ee ku saabsanaa qabashada doorasho taariikhi ah oo hal qof iyo cod ah iyo sharciyada loo baahan yahayba. Mudane Mohamed Abdirizak ayaa sanadihii 2010 ilaa 2014 ka soo noqday agaasimaha hay’adda National Democratic Institute (NDI) ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo hoggaaminayay koox khubaro caalami ah iyo kuwo heer qaran ah oo gacan ka geystay dadaalladii lagu soo afjaray KMG-nimada Soomaaliya. Intii uu joogay NDI, waxa uu si xooggan uga shaqeeyay taageeridda iyo horumarinta iyo qaadashada dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya. Ka dib markii uu noqday la-taliyaha dhinaca siyaasadda ee wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya 2008 ilaa 2010. Mudane Mohamed Abdirizak ayaa markii ugu horeysay ee uu qabtay xilka dowladda isagoo la-taliye iyo Agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya noqday sanadkii 2007-dii, isagoo kaalin firfircoon ka qaatay geeddi-socodkii wadahadalada ee Jabuuti oo bishii Ogosto 2008 lagu saxiixay heshiis gogol xaar u ahaa dhismihii dowladdii KMG ahayd. Wixii markaas ka dambeeyay waxa uu ku lug lahaa hindiseyaal caalami ah oo dib loogu soo celinayo dowladnimada iyo horumarinta nabadda iyo amniga Soomaaliya. Waxa uu muujiyay karti, dadaal iyo hoggaamin uu ku fududeeyay doodihii iyo wada xaajoodyadii Guddigii Wadajirka ahaa ee Amniga iyo Guddigii Sare ee horumarinta nabadda iyo amniga Soomaaliya. Waxay aad ugu qadariyaan saaxiibadiisa Soomaaliyeed iyo sidoo kale bahda diblumaasiyadda ee ka howlgasha Soomaaliya sida uu u hoggaamiyo iyo in uu xiriir kala dhexeeyo qeybaha kala duwan ee siyaasadda , kuwa gobolka , xubnaha mucaaradka ah ee dalka iyo qurbajoogta. Kahor inta uusan la shaqeyn Dowladda Federaalka Ku Meel Gaarka ah iyo UNPOS, Mudane C/risaaq waxa uu la soo shaqeeyay shirkado gaar loo leeyahay oo ku yaala dalka Mareykanka iyo hay’ado caalami ah oo ay ka mid yihiin Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka. Mudane C/risaaq ayaa shahaadada heerka labaad ee xiriirka caalamiga ah ka qaatay Jaamacadda Johns Hopkins University School of Advanced International Studies (SAIS).
HORDHAC
Adeega Nololeed
Waxuu 1968-kii ka dhashay qoys u shaqeeya dawladda, xilligaas oo ahaa waayihii dahabiga ahaa ee aasaasayaashii Jamhuuriyadda Soomaaliya. Mohamed Abdirizak waxaa lagu beeray fikradda ah in ay saaran tahay mas’uuliyad weyn oo uu u adeego ummaddiisa. Balanqaadka adeega ayaa ahaa habdhaqankii lagu arkay wiilkan dhalinyarada ah oo bilaabay gudashada waajibaadkii Shaqada Qaranka isagoo ku biiraya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kadibna u dhoofay dalka dibadiisa si uu u soo kororsado aqoon. Burburkii qaranimada ka dib, ayuu dib ugu soo laabtay dalka si uu uga qeybqaato dib-u-dhiska Soomaaliya ka dimuquraadisan kana rajo wanaagsan tan labaatankii sano ee la soo dhaafay. Isagoo ahaa agaasimaha Machadka Dimuqraadiga Qaranka (NDI), La Taliyaha Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Xafiiskii Siyaasadda ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNPOS), ahaana Wasiirka Arrimaha Dibadda.












